Kooxda Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedka kadib markii ay Arsenal guuldaro kala kulantay kooxda Nottingham Forest.
Dhibcaha Arsenal ayaa ku joogsaday 85 dhibcood taas oo la macno ah in ay Man City ku guulaystay horyaalka premier Leaguexilli ciyaareedkan.
Man City ayaa maanta u dabaal-dagi doonta horyaalka marka ay la ciyaarto kooxda Chelsea kulan ka dhici doona Etihad.
Guusha City ee horyaalka Premier League waxay keentay in ay jabiso rikoodho dhawr ah waxana ka mid ah:-
Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League markii 9-aad ee taariikhdooda halka uu Guardiola kula guulaystay 5 ka mid ah horyaaladaas.
Manchester City ayaa noqotay kooxdii shanaad ee ku guulaysta horyaalka premier League 3 jeer oo xidhiidh ah kadib Arsenal, Liverpool iyo Manchester United “laba jeer”.
Pep Guardiola ayaana noqday tababarihii ugu horeeyay ee ku guulaysta seddex koob oo xiriir ah 3 horyaal oo kala duwan oo ka kala 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.
Guardiola ayaa sidoo kale noqday tababarihii labaad ee ku guulaysta horyaalka Premier League 3 jeer oo isku xigta, kadib halyeygii Sir Alex Ferguson.
Man City ayaa magaalada Manchester Siisay faa’iidada tirada ugu badan ee ku guulaysiga koobka premier League marka loo bar-bar dhigo magaalooyinka kale.

Related



Source link