Laacibka reer England ee Declan Rice, oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda cusub ee ayaa shaaca ka qaaday doorkii uu ka ciyaaray tababaraha reer Spain ee Mikel Arteta ku biiristiisa kooxda Arsenal.
Rice ayaa lacag rikoodh ah ugu biiray kooxda Arsenal suuqii xagaaga kadib markii uu 105 milyan ugu biiray Guuners isla markaas noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda Arsenal.
Declan Rice ayaa sheegay in La kulanka Arteta uu door weyn ka ciyaaray ku biiristiisa kooxda Arsenal isagoo muujiyay sida uu ula dhacsan yahay fikirka tababaraha reer Spain.
Declan waxa uu yidhi, “Arteta waxa uu ahaa qodobka ugu muhiimsan ee aan doortay Arsenal, markii aan la kulmay, waxa aan ogaa in uu yahay tababaraha si fiican ii daryeeli doona, waxana uu noqon doonaa qofka ugu fiican ee i daryeeli doona qaybta xigta. xirfadeyda kubada cagta.”
“”Sida uu Arteta u hadlo, iyo sida uu u arko ciyaaraha, waa wax cajiib ah, aad ayaan ugu faraxsanahay go’aankayga ah inaan ku biiro Arsenal oo aan ka hoos shaqeeyo Arteta, waxan dareemayaa in aan joogo Gurigayga”.
Laacibka 24-jirka ah ayaa kooxda Gunners kala qeyb galay 4-kulan, xili ciyaareedkan waxana uu dhaliyay hal gool ilaa haatan.
Related