Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Kooxda Bayern Munich ayaa Arsenal kula biirtay tartanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice (Sky Sport Germany).
Kooxda Arsenal ayaa si aad ah u riixaysa sidii ay ula soo saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Ilkay Gundoga (Guardian).
Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta kooxda PSG si ay ula saxiixato xiddiga Neymar (L’Equipe).
Kooxda Man United aya sidoo kale doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kim Min-jae (Sun).
Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Wolves ee Ruben Neves xilli ay doonayso in ay Ansu Fati ku dirto heshiiska xiddiga reer Portugal (Athletic).
Hadii ayna Arsenal la soo saxiixan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Declan Rice, Waxa ay badalkiisa u dhaqaaqi doontaa xiddiga kooxda Real Sociedad Martin Zubimendi ama xiddiga Brighton Moises Caicedo (Mail).
Xiddiga kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa xaqiijiyay in uu dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka (Standard).
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Vinicius Jr ayaan wax xiiso ah u hayn in uu ka tago kooxda Kadib hadalkii cunsurimada ee lagula kacay kulankii Valencia (90min).
Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Crystal Palace Marc Guehi (Mail).
Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister (Mail).
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ayna Man City wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga Alexis Mac Allister (Mail).
Kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda ee Anthony Martial (Sun).
Tababare Carlo Ancelotti ayaa maamulka Los Blancos ka codsaday in ay u keenaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG ee Marco Verratti (L’Equipe).
 

Related



Source link