Xiddiga kooxda chelsea ee Reece James ayaa dusha laga saaray ganaax hal kulan ah laakiin waxa uu taam u noqon doonaa in uu wajaho Arsenal 21 bishan October.
Xidhiidhka FA-ga ayaa xaqiijiyay in James uu hal kulan ganaax ku seegi doono waxana uu maqnaan doonaa kulanka ay Chelsea la ciyaari doonto Sabtida, waana kulan uu haatanba ku seegi doono dhaawac.
Taas ayaa la macno ah in uu taam u noqon doono kulanka ay chelsea la ciyaari doonto Arsenal kadib fasaxa xulalka ee bisha October markaas oo ah marka uu ka soo laaban doono dhaawaca.
James ayaa lagu ganaaxa kadib markii uu hadalo af-lagaado ah u adeegsaday Garsoore Jarred Gillet kulankii ay chelsea guuldarada kala kulantay Aston Villa.
Sidoo kale James ayaa dusha laga saaray lacag dhan 90 kun oo Gini todobaadkii waxana uu sidoo kale seegayaa Hal kulan.
Related