Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe Toni Kroos kaas oo sii joogi doono kooxda ilaa sanadka 2024.
Heshiiska Kroos ee haatan ayaa dhacayay dhamaadka bishan haatan lagu jiro iyada oo uu xiddigu xor u noqon lahaa in uu ka tago kooxda.
Laakiin xiddiga reer Germany ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxda ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale.
Toni Kroos ayaa ku soo biiray Real Madrid sanadkii 2014, waana ciyaaryahanku kooxda u ciyaaray 417 kulan.
Xiddiga oo kooxda joogay 9 sano waxa uu kula guulaystay 20 koob oo kala ah 4 Champions League, 5 Club World Cup, 4 European Super Cups, 3 LaLiga, 1 Copa del Rey iyo 3 Spanish Super Cups.
Related