Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay ku dhawaaqdo heshiisyo cusub oo ay ka saxiixatay labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ee Luka Modric iyo Toni Kroos.
Xiddigaha Modric oo 37 jir ah iyo Kroos oo 33 jir ah ayaa soo galay heerarkii ugu dambeeyay ee waayahooda ciyaareed waxana dhici doona heshiisyadooda kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Modric ayaa Real kula guulaystay 12 koob tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii 2012 isaga oo ku guulaystay 5 koob oo champions League ah iyo 3 La Liga.
Xiddiga Khibradda leh ee reer Croatia ee ku guuleystay Ballon d’Or 2018 waxana uu kooxda u dhaliyay 37 gool halka uu caawiye ka noaday 77 kale 485 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Dhanka kale, Kroos ayaa Los Blancos kaga soo biiray Bayern Munich sanadkii 2014-kii, waxaana tan iyo markaas uu kooxda reer Spain kula guuleystay 19 koob oo ay ku jiraan afar Champions League iyo saddex horyaal oo La Liga ah.

Related



Source link