Kooxda Real Madrid ayaa heshiis Hal sano ah ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric kaas oo qalinka ku duugay heshiis hal sano ah.
Xiddiga Luka Modric oo heshiiskiisa Real dhacayay dhamaadka bishan haatan lagu jiro ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxdiisa.
Modric ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxaha reer Sucuudi laakiin waxa uu go’aansaday in uu hal sano oo kale u saxiixo kooxda Los Blancos.
Xiddiga khabiirka ah oo door weyn ka qaatay koobabkii iyo guulihii kooxda ee sanadihii ugu dambeeyay ayaa sii wada doona sheekada fiican ee uu u wado Real Madrid.
Xiddiga laftiisa ayaa bogiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in uu sii joogi doono Real Madrid ilaa sanadka dambe.
Modric ayaa bogiisa Twitterka ku soo qoray”Guri Macaan” waxana uu sii raaciyay #Modric2024.

Related



Source link