Real Madrid ayaa isha ku haysa in ay la soo wareegto weeraryahan kayd u ​​noqon kara Karim Benzema xilli ciyaareedka dambe sida laga soo xigtay Relevo.
Los Blancos ayaa si dhab ah u doonaysa saxiixa weeraryahanka Espanyol Joselu kaas oo ay doonayso in ay ku Nasiso Benzema xilli ciyaareedka dambe.
Carlo Ancelotti ayaa maamulak kooxda ka codsaday in ay u keenaan weeraryahan kale maamulka Los Blancos ayaana aaminsan in Joselu uu ku haboon yahay booskaas.
Xiddiga ayaa loo arkaa inuu ku filan yahay inuu Benzema siiyo tartan isla markaana uu noqdo dookh adag oo kursiga keydka ah.
Joselu ayaa xilli ciyaareedkan wacdaro ka dhigaya horyaalka La Liga isaga oo dhaliyay 15 gool 31 kulan oo uu ciyaaray waana xiddiga ugu goolasha badan u dhashay dalka Spain.
Xiddiga ayaa haatanba xidhiidh fiican la leh xubno ka tirsan kooxda Real Madrid, waana seediga Dani Carvajal.
Los Blancos ayaan wali bilaabin wadahadalo ay ku doonayso in ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga waxana ay sugaysaa inta uu dhamaanayo xilli ciyaareedka.

Related



Source link