Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lumisay kaalinta labaad ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay Valencia 1-0 kaga soo adkaatay ciyaar xamaasaddeedu sarraysay oo casaan toos ah la siiyey Vinicius Junior oo feedhay ciyaartoy kale.
Carlo Ancelotti ayaa dhabarka saartay masuuliyadda guul-darro kale oo usii raacday bahdilaaddii ay Manchester City kusoo samaysay toddobaadkii hore ee ay kaga soo hadheen Champions League, waxaana mar kale jilbaha dhulka ugu dhufatay Valencia.
Valencia ayaa gool ay u qalmaysay heshay qaybtii hore, waxaana u dhaliyey Diego López oo jabiyey darbiga difaaca Madrid ee uu ka maqnaa laacibka dejiya ee David Alaba oo kaydka la dhigay.
VAR ayaa la dagaallantay Valencia oo ka diidday gool labaad oo uu u dhaliyey Kluivert oo baas qurux badan ka helay Gaya, xilli dhamaadka ciyaarta ay ka hadhsanayd lix daqiiqadood oo kaliya.
Goolhaye Giorgi Mamardashvili oo ahaa geesiga Valencia ayaa kubbado goolal loo qaatay ka badbaadiyey Karim Benzema, Rodrygo iyo Fede Valverde, hase yeeshee Real Madrid ayaa waxa dilay Vinicius Junior oo kaadh casaan ah oo toos ah la siiyey.
Laacibka reer Brazil ayaa rabshad ka abuuray garoonka markii uu doontay taageereyaasha oo uu sheegay inay cunsuriyeeyeen, waxaana waqti kooban la joojiyey ciyaarta iyadoo ay ciyaartoyda Real Madrid tabasho u gdubiyeen garsooraha oo isaguna la tashaday maamulka LaLiga.
Vinicius Junior ayaa mar kale gadhka isku geliyey dhamaan ciyaartoyda labada kooxood markii uu la dagaallamay goolhaye Giorgi Mamardashvili, kaddibna uu wajiga gacanta kaga dhuftay Lino.
Real Madrid ayaa daqiiqaddii 112aad ku dooday in loo dhigo rikoodhe aanu garsooruhu dareen badan siinin iyadoo Karim Benzema uu ku dhacay xerada ganaaxa markii uu goolhaye Giorgi Mamardashvili lugta qabtay.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Valencia oo kaga soo dallacday kalmaha hoose, halka Real Madrid ay u dhacday kaalinta saddexaad oo Atletico Madrid ay hal dhibic dhaaftay.

Related



Source link