Kooxda Rea Madrid aya guul ku bilaaabatay xilli ciyaareedka La Liga iyaga oo garaacay kooxda Athletic Bilbao kulan ka dhacay garoonka San Mames.
Kulanka ayaa ahaa mi ay Real Madrid maamulaysay ciyaarta isla markaas ahayd kooxda fiican.
Dhinaca kale Bilbao ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galisay kooxda Real Madrid.
Daqiiqadii 28-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka furitaanka ee xilli ciyaareedkoda La Liga waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo hgaanka u dhiibay kooxdiisa.
Real ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen dadaalka ay ku dooayaan goolal kale oo ay ku dilaan ciyaarta.
Daqiiqadii 36-aad ayay Real Madrid heshay wixii ay u dadaalaysay kadib markii uu Jude Bellingham kooxdiisa u dhaliyay goola wareer ah ciyaartana ka dhigay 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo Los Blancos ahayd kooxda fiican dhinac walba kana awood badnayd kooxda ay martida u ahayd.
Qaybta dambe ayaa ahayd mid labada dhinac mid walba isku dayayo in ay gool dhaliyaan iyaga oo raadinaya in ay ciyaarta wax ka badalaa.
Waxa sidaas mu dhmaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul muhiim ah.
Related