Real Madrid ayaa ku fikiraysa saxiixa Roberto Firmino, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano.
Xiddiga reer Brazil ayaa ku jira 4/5 xiddig ee lagu xoojin karo kooxda dhinaca weerarka suuqa xagaaga.
Real Madrid ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xiddig la tartama Karim Benzema kaas oo dhaawacyo la dhibaatooday xilli ciyaareedkan.
Ma jiro wax wada xaajood ah oo lala yeeshay ciyaaryahanka hadda laakiin Los Blancos ayaa dhexdooda ka wadahadalaya in ay la soo saxiixdaan xiddiga 31 jirka ah.
Firmino ayaa noqon doona xiddig xor ah xagaaga kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda Liverpool kadib sanado badan oo uu joogay kooxda.
Xiddiga ayaa dhaliyay 12 gool 5 kalena caawiye ka noqday tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan 34 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.

Related



Source link