Real Madrid ayaa liiska xiddigaha ay doonayso in ay ku xoojiso kooxdeeda suuqa xagaaga ku dartay xiddiga kooxda Liverpool ee Andy Robertson.
Kooxda heysata horyaalka Yurub ayaa suuqa ka baadi goobeysa daafac bidix si ay ugu diyaar garoobaan bixitaanka xiddiga reer France ee Ferland Mendy.
Mendy oo ay kala soo wareegtay kooxda Lyon ayaa dhaawac ku seegay inta badan ee kulamada kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan taas oo keentay in xiddiga Eduardo Camavinga laga ciyaarsiiyo booskaas.
Real ayaa mar hore si weyn loola xiriirinayay xiddiga Bayern Munich ee Alphonso Davies Laakiin xiddiga reer Canada ayaa Bayern kula jira heshiis ilaa xagaaga 2025 kooxdiisa ayaana sheegtay in uuna xiddigu iib ahayn wax walba oo dhaca.
Xiddiga Robertson oo fure u ahaa guulaha Liverpool intii uu klopp hogaaminayay kooxda ayaa dhinaciisa kula jira Reds heshiis ilaa xagaaga 2026 ah mana jirto rabitaan ah in uu ka tago kooxdiisa.
Si kastaha ahaatee Real Madrid ayaa diyaarinaysa dalab lacageed oo dhan 40 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga reer Scotland suuqa kala iibsiga xagaaga.
Related