Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Lautaro Martinez.
Kooxda Ancelott ayaa haatanba lacag badan kula soo wareegtay xiddiga Jude Bellingham waxana ay xiddiga ka soo bixisay lacag aad u badan.
Laakiin Real Madrid ayaa lumisay weeraryahankeedii Karim Benzema kaas oo ku biiray koox ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Sida laga soo xigtay wargayska Sport, Real Madrid ayaa wali suuqa ugu jirta weeraryahan waxana ay u aragtaa xiddiga Inter ee Martinez.
Wararka ayaa sheegaya in xiddiga reer Argentine lagu heli karo lacag dhan 70 milyan oo euro iyada oo Inter ku qasbantahay in ay xiddigo iska iibiso.
Martinez ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku soo bandhigay kooxdiisa Inter waxana uu ciyaaray 57 kulan waxana uu dhaliyay 28 gool halka uu caawiye ka noqday 11 kale.
Related