Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Pedri ayaa ka hadlay kulanka adag ee dhexmari doona Man City iyo Real Madrid kulan ka tirsan champions League.

Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona garoonka Etihad kulan ka tirsan lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka champions League.

Xiddiga Barcelona ee Pedri ayaa sheegay in uu daawan doono kulanka sababta oo ah waa kulan weyn oo muhiim ah.

Peri oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma dhihi doono, laakiin waxaan doorbidayaa in Man City garaacdo Real Madrid isla markaas u gudubto Final-ka champions League sababta oo ah waxa aan jecelahay qaab ciyaareedka Guardiola”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay labada kooxood ku soo kala bexeen bar-baro 1/1 ah kulankii hore ee ka dhacay garoonka Santiago Bernabue.

Labada kooxood mida badisa ayaa haatanba ogsoon in ay la ciyaari doonaan Inter Milan Final-ka tartanka champions league.



Source link