Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda RB Leipzig Max Eberl ayaa xaqiijiyay in Josko Gvardiol uu qarka u saaran yahay in uu heshiis rikoor ah ugu biiro kooxda Man City.
Kooxda reer Germany ayaa lacag 100 milyan ah dul dhigay madaxa daafaca dhexe iyada oo Eberl xaqiijiyay in hadii ay Man City lacagtaas bixiso uu daafacu u ciyaari doono Man City xilli ciyaareedka dambe.
“Gvardiol iyo wakiiladiisa waxay na siiyeen rabitaankooda ah inaan u dhaqaaqno Manchester City, waxaan wadahadal kula jirnaa City”ayuu yidhi agaasimaha RB Leipzig.
“Haa, waxa lagu heli karaa 100 milyan oo euro iyo waliba lacago gunooyin ah”
“Gvardiol Waxa uu ku biiri doonaa kooxda Man City, qiimaha heshiiska ayaa ka dhigi doona Gvardiol daafaca ugu qaalisan taariikhda suuqa”.
“Laakiin waxa laga yaabaa inay qaadato dhawr maalmood oo kale”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link