Halyeeyga Arsenal Ray Parlor ayaa aaminsan in seddexda Saxiix ee cusub ee kooxda yimid xagaagan ay Arsenal ka caawin karaan ku guulaysiga horyaalka premier League oo ay sugayeen muddo 20 sano ah.
Mikel Arteta ayaa kooxdiisa ku soo daray xiddigaha Declan Rice, Kai Havertz iyo Jurrien Timber oo ay ka soo bixiyeen lacag ka badan 200 milyan oo euro.
3-da xiddig ayaa xiiso gaar ah ku dhex abuuray taageerayaasha Arsenal waxana ay kulankii ugu horeeyay ee Rasmi ah ka hor iman doonaan Man City kulanka Community Shield-ka.
Parlour ayaa dareensan in xilli ciyaareedka bilaabanaya ku dhamaan doono si ka duwan sidii kii xilli ciyaareedkii hore.
“Waxan filayaa in ay Arsenal mar kale ku tartanto horyaalka”ayuu u sheegay Mailonsport.
“Kadib 3-da saxiix ee fiican ee ay sameeyeen, ee Rice, Havertz iyo Timber, Arsenal way la tartami kartaa Man City”.

Related



Source link