Marcus Rashford ayaa qarka u saaran inuu mustaqbalkiisa fog u hibeeyo Manchester United ka dib markii uu heshiis afja ah la gaadhay kooxda in uu heshiis cusub u saxiixo.
Rashford ayaa ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis 5 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono.
Xiddiga reer England ayaa wadahadalo kula jiray kooxda Man United muddo dheer iyada oo heshiiskiisa haatan dhacayo sanadka 2024.
Si kasta ha ahaatee shakiga ayaa ka bixi doona mustaqbalkiisa iyada oo uu ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis ilaa xagaaga 2028 ah kaas oo ku dhaw in lagu dhawaaqo.
Rashford ayaa dalabyo badan oo waali ah ka helay kooxaha rer yurub laakiin waxa uu go’aansaday in uu sii joogo kooxda Man United.
Warkan ayaa ah mid u fiican Man United marka la eego In uu Rashford qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Go’doon Galisay Magaalo Ku Taalla Somaliya
Related