Daafaca kooxda Manchester United Raphael Varane ayaa digniin u diray weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ka hor finalka FA Cup ee sabtida.
Labada kooxood ayaa galay kulanka iyaga oo isha ku haya in ay ku guulaystaan koobkoodii 2-aad ee xilli ciyaareedka kadib markii United ku guulaystay Caraboa cup-ka halka ay City ku guulaystay Premier League.
Haaland, oo xagaagii City kaga soo biiray Borussia Dortmund, ayaa qayb wayn ka ahaa guulahoodii xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 52 gool 51 kulan oo uu saftay.
Kooxda Pep Guardiola ayaa ku guulaysan karta koobkii 3-aad ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay gaadheen final-ka champions League.
Man United ayaa doonaysa in ay City ka hor istaagto in ay 3 koob ku guulaysato maadama ay United tahay kooxda kaliya ee reer England ee saddexley ku guulaysatay sanadkii 1999.
Hadii United ay doonayso in ay guul ka gaadho City sabtida waa in ay joojiso halista Haaland Varane ayaana xiddiga reer Norway uga diay in ay kooxda Man United ka joojin doonto baaska uu ka helo kevin De Bruyne.
“Haaland waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, dhamaanteen waan ognahay taas, laakiin halista City ayaa meel walba ah,” ayuu yiri Varane.
“Waxa ay goolal ka dhalin karaan goolal koornayaasha ama kubada karooska ah sidoo kale waxa ay ku fiicanyihiin kubad haysashada halka ay sidoo kale ciyaari karaan kubad orod ah, Waxaan ognahay inay tahay inaan u joojino koox ahaan iyo si wadajir ah koox ahaan”.
“Daafac ahaan waa in aan joojiyo isku xidhka De Bruyne iyo Haaland waxan isku dayi doonaa in aan joojiyo isku xidhkaas”.

Related



Source link