Ceelwaaq (soomaalinews.com) – Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan dib u qabsaday deegaanka Geriley ee Gedo, halkaas oo kamid ah saldhigyadii ay wareejiyeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Kenya ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.

Arrintan ayaa durbo si weyn looga falceliyay, maadaama uu hadda billow yahay qorshaha bixitaanka ATMIS, Al-Shabaabna ay billowday dib u gurasho deg deg ah.

Xildhibaan Mursal Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ka mid ah Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay joogitaanka magaalada Geriley ee kooxda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay tahay arrin niyad jab ah.

Mursal ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay la wareegidda deegaankaasi, isaga oo intaasi ku daray in aysan gurmad helin ciidamada Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

“Shan maalmood ka dib markii Al-Shabaab waxay soo galeen magaalada Geriley, ma jirto wax gurmad ah oo soo gaaray ciidamada Soomaaliya ee markii hore ku sugnaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qabsashada Al-Shabaab ee Geriley ay muujineyso in kaalmo degdeg ah ay beesha caalamka uga baahan yihiin ciidamada Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ammaanka iyo sidoo kale dagaalka adag ee ay kula jiraan kooxda.

Waxaa kale uu xusay haddii aan la garab istaagin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka dhalan karto halis horleh oo dib soo nooleen karto kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa xusay inay Al-Shabaab ay mar kale kordhin karto weeraradeeda, sidoo kalena ay isku ballaari doonto dhul ballaaran oo horleh, haddii aan laga hortegin.

“Haddii ciidamadan dowladda Soomaaliya aysan si deg deg ah u xoojin beesha caalamka, waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay kordhin doonaan saldhigyada ay ku leeyihiin xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana dhici doonta in magaalooyin badan ay hoos yimaadaan gacantooda, taas oo khatar gelineysa amniga iyo wanaagga bulshooyinka labada dhinac. ee xuduudda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan kooxda Al-Shabaab ay beegsi ku billowday saldhigyadii ay ka baxeen ciidamada ATMIS, waxaana ugu dambeeyay saldhigga deegaanka Arbacow oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho oo ay xalay ku qaaday dagaal toos ah.





Source link