Muqdisho (soomaalinews.com) – Kulan ku saabsan u diyaar-garowga iyo isku dabaridka dabaaldaga munaasabada Kowda Luuliyo ayaa maanta waxa uu ka qabsoomay garoonka Stadium Muqdisho.

Garoonka uu kulankaan ka qabsoomay ayaa ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo.

Kulankani oo ahaa mid waqti badan qaatay ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddiga heer qaran iyo heer gobol ee isku dabaridka munaasabada maalmaha xorriyada, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda ciyaaraha dalka.

Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda Mudane Axmed Cali Fiqi iyo guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daah-furan loo maareeyo munaasabada dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb-galka munaasabadaasi.

Guddiga iyo masuuliyiinta kale ee goobjoog ka ahaa kulankaan ayaa waxay ku go’aamiyeen in Stadium Muqdisho lagu qabto munsaabadda, iyada oo galabtaasi lagu maamuusi doono cayaar dhexmari doonta kooxaha kubadda cagta ee Horseed iyo MCC.

Guddigaan oo ka kooban qaar kamid ah golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horraantii bishaan waxaa magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Guddigan ayaa maalmihii dambe ka shaqeynay qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda oo aad muhiim ugu ah shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda.









Source link