Garoowe (soomaalinews.com) – Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cawil Mataan ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaalada Garoowe, kadib markii ay maalin kahor ku wada dagaameen ciidanka ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka ah.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa beeniyay wararka ku saabsan in weli khatar amni ay ka jirto gudaha magaalada Garoowe, kadib dagaalkii ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Cawil ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay Garoowe amni tahay, isla-markaana ay dhaqan gashay xabad joojintii lagu dhawaaqay si dagaalka loo jiyo, loogana hortago xiisadda.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in ciidamo hubeysan ay isku horfadhiyaan gudaha magaalada, taas oo aad loo hadal hayay saacadihii lasoo dhaafay.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka magaalada Garooe, isaga oo ugu baaqay in aysan dhageysan been abuur uu sheegay inay faafinayaan shakhsiyaad leh dano gaar ah.

“Garowe waa amni heshiishkii xabad-joojinta ayaa hirgalay wax kale ma jiraan ciidamo is agfadhiyana ma jiraan ee yaanan la qixin bulshada nabada ah” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Mataan.

Dhinaca kale, waxaa weli soconaya dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhexeyso xubnaha mucaaradka ah iyo madaxweyne Saciid Deni, si loo dhammeeyo.

Isimada Puntland ayaa lagu wadaa in ay shir deg deg ah ka yeeshaan khilaafaadka siyaasadeed ee Garoowe, ayada wufuuf horleh ay kuu wajahan tahay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Isimadu ay shirkooda uga arrinsanayaan xallinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan xukuumadda Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Puntland ayaa gashay xaalad hubanti la’aan ah, kadib markii la’isku qabtay furista dastuurka maamulkaasi, taas oo keentay in lagu dagaalmo magaalada Garoowe.





Source link