Garoowe (soomaalinews.com) – Maamulka Puntland ayaa digniin culus kasoo saaray imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland oo lagu wado inuu billowdo maalmaha soo socda.

Puntland ayaa ka digtay qorshaha Somaliland ay ku dooneyso in imtixaankaas ku keento gobolka Sanaag, oo ay ku sugah yihiin arday badan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxaa looga digay dhammaan dugsiyada Waxbarashada gobolka Sanaag in aysan geli karin imtixaanka Somaliland ee dhawaan bilaabanaya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in guud ahaan ardayda ku sugan gobolka Sanaag ay galeen imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, sidaas darteedna aan loo baahnayn imtixaan kale.

“Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa masuuliyiinta ay warqadani sida tooska ah iyo ogeysiintaba ugu socoto in dhamaan deegaanada gobolada Sanaag iyo Haylaan aysan soo geli karin haba-yaraatee wax imtixaan ah oo ka yimaada maamulka Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Sidaas daraadeed waxaa mar labaad la idin ku wargelinayaa in Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ay gaarsiisay Imtixaanka Shahaadiga ah Fasalada 8-aad iyo 12-aad ee Dugsiyadda Dhexe iyo Sare dhamaan deegaanada Puntland.”

“Hadaba lama ogola in la keeno deegaanada Puntland imtixaan aan ka ahayn kan ay dowladda Puntland qaaday.”

Digniintan ay Puntland soo saartay ayaa imaneysa xilli Somaliland ay qorsheynayso in imtixaanka shahaadiga ah geyso gobolo ay kamid tahay Sanaag, kaasi oo kamid ah deegaano kamid ah ay isku hayaan labada maamul.





Source link