Tababaraha Kooxda PSG ee Christophe Galtier ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Lionel Messi ka tagi doono kooxda PSG dhamadka xilli ciyaareedkan.
Xiddiga Messi ayaa ku jira todobaadyadii ugu dmabeeyay ee heshiiskiisa kooxda ka dhisan caasimada waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo.
Messi ayaa sanadkii 2021 kaga soo biiray kooxda Barcelona markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda waxana uu u saxiixay heshiis 2 sano ah.
Maadama uu heshiiskiisa haatan ku egyahay 30 bishan maanta bilowga ah waxana uu qaab xor ah uga tagi doonaa kooxda PSG.
“Waxaan fursad u helay inaan tababare u noqdo ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta”ayuu yidhi tababaraha PSG.
“Kulanka Clermont waxa uu noqon doonaa kulankii ugu dambeeyay ee uu Lionel Messi u ciyaaro kooxda PSG”Ayuu sii raaciyay.

Related



Source link