Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa tababaraha Luis Enrique kaa soo ay u magacawday tababareheeda cusub ee kooxda.
Tababarihii hore ee xulka qaranka Spain ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku hogaamin doono kooxda ku ciyaarta Parc des Princes.
Luis Enrique ayaa shaqada tababaranimo ee kooxda PSG ka badalay Christophe Galtier kaas oo laga caydhiyay shaqada kooxda subaxnimadii Saaka.
“Waan ku faraxsanahay inaan ku biiro Paris si aan ugu raaxaysto waayo-aragnimo cusub, aad ayay u farxad badan tahay inaan la kulmo dad cusub, inaan ku noolaado magaaladan, inaan barto luqad cusub”ayuu yidhi tababaraha cusub ee PSG.
53 Jirkna ayaa la wareegay masuuliyada kooxda PSG 7 Bilood kadib markii uu ka tagay shaqada tababaranimo ee xulka qaranka Spain kadib markii xulka qaranka Spain laga caydhiyay markii wareega 16-ka looga reebay xulka Spain.

Related



Source link