Paris Saint-Germain ayaa haatan si adag ugu jirta tartanka saxiixa xiddiga kooxda Atalanta ee Rasmus Hojlund sida ay sheegayaan wararku.
Sida laga soo xigtay The Athletic, kooxda ka dhisan Ligue 1 ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga iyaga oo Atalanta miiska u saaray 50 milyan oo euro.
Xiddiga 20 jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha loogu doonista badan yahay iyada oo ay isku dagaalayaan saxiixiisa xiddigaha Man United iyo PSG.
Kooxda Atalanta ayaa xiddiga reer Denmark ku doonaysa lacag dhan 80 milyan oo euro, waana tiro ay PSG u aragto mid aan macquul ahayn marka la joogo suuqa kala iibsiga.
Waxa ay PSG diyaar u tahay in ay isaga baxaan baacsiga xiddiga hadii ayna kooxda reer Talyaani aqbalin dalabkooda.
Dalabk PSG ayaa imanaya kadib markii ay Man United dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Hojlund shalay.
Sii Akhriso: XASAASI: Jabhada Beesha Garxajis Ee Gashay Buurta Gacan Libaax Oo Afduubatay Saraakiil Cidan Iyo Odayaal

Related



Source link