Paris Saint-Germain ayaa aqbashay dalabka rikoodhka ah ee 300 milyan ee ay Al-Hilal ka gudbisay saxiixa xiddiga Kylian Mbappe xagaagan, sida ay wararku sheegayaan.
Jimcihii la soo dhaafay, PSG ayaa xaqiijisay in 24-sano jirkaan uu iib yahay ka dib markii laga reebay safarkii xilli ciyaareedka ee kooxdu ay ku tagtay Japan.
Waxaa si weyn loo aaminsan yahay in xiddiga reer France uu doonayo inuu sii wado riyadiisa ah inuu u ciyaaro Real Madrid, isagoo la sheegay inuu ogolaaday inuu si xor ah ugu biiro Bernabeu xagaaga soo aadan marka uu qandaraaskiisu dhaco.
Subaxnimadii isniinta, khabiirka suuqa ee Fabrizio Romano ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in kooxda Saudi Arabia ee Al Hilal ay soo gudbisay dalab rikoor ah oo ay kula soo saxiixanayso Mbappe oo ku kacaya 300 milyan oo euro taas oo jabinaysa lacagtii rikoodhka ahaa ee ay PSG ka bixisay Neymar sanadkii 2022.
Faahfaahinta qandaraaska rasmiga ah ee Al Hilal ayaa tan iyo markii la shaaciyay, taasoo Mbappe ka dhigi doonta mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan kubada cagta adduunka.
Sky Sports ayaa hadda xaqiijisay in la aqbalay dalabka, iyadoo sheegtay in kooxda Ligue 1 ka dhisan ay Al Hilal siisay “ogolaansho ay kula hadasho Mbappe”.
Sii Akhriso: HALIS: Ra’iisal Wasaaraja Itoobiya Oo Ku Hanjabay In Ay Xoog Ku Qabsan Doonaan Dekkedaha Somalida.

Related



Source link