Horyaalka Premier League ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay taariikhaha uu furmi doono suuqa kala iibsiga xagaaga ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Iyadoo dhamaadka xilli ciyaareedka ay ka harsan yihiin maalmo yar, kooxaha Premier League ayaa isku diyaarinaya in ay sameeyaan saxiixyo cusub ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha sida Liverpool, Chelsea, Arsenal, Manchester United iyo Tottenham Hotspur ayaa isku dayi doona sidii ay u soo qaban lahaayeen kooxda Man City.
Bayaan uu soo saaray Premier League ayaa lagu yidhi”Si loo xaqiijiyo is-waafajinta horyaalada waaweyn ee Yurub, waxa la go’aamiyay wakhtiga uu furmi doono suuqa xagaaga ka dib wadahadalo lala yeeshay EFL, DFL, Serie A, LaLiga iyo LFP”.
“Suuqa xagaaga ayaa furmi doona 14 bisha June ee soo socota sanadka 2023 waxana uu furnaan doonaa ilaa 1 bisha September ee soo isla sanadkan”.
Kooxaha waaweyn ee premier League ayaa haatanba bilaabay dar-dar galinta saxiixyada ay doonayaan in ay ku dhawaaqaan marka uu suuqa kala iibsigu si Rasmi ah u furmo bisha dambe.

Related



Source link