Maamulka premier league ayaa shaaciyay ganaaxa daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk kadib kaadhkii casaa ee loo taagay kulankii Newcastle.
Van Dijk ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqaddii 28-aad.
Van Dijk ayaa Newcastle ka hor istaagay fursad gool taas oo keentay in oo taago kaadhka cas.
Xeerka Premier league ayaa sheegaya in hadii uu xiddigu hor joogsado fursad gool cad ah ama weeryahanka ayna cid kale ka xigin dhinaca weerarka ay tahay kaadh cas oo took ah.
Sidaas darteed xiddiga ayaa ganaax ku maqnaan doono hal kulan maamdama uuna ahayn khalad halis galiyay xiddiga kale.
Van Dijk ayaa sidaaas darteed seegi doona kulanka Aston villa oo kaliya.
Related