Horyaalka Premier League ayaa lagu soo waramayaa inuu la imaan doono xeerar cusub ka hor xilli ciyaareedka cusub, oo ay ku jiraan isbedel weyn oo lagu sameeyay waqtiga dheeriga ah ee lagu daro ciyaaraha dhamaadka ciyaarta.
Sida laga soo xigtay Sky Sport, waxa aanu haatan arki doonaa daqiiqado badan oo lagu daro wakhtiga dheeriga ah kulamada sidii koobkii adduunka ee ka dhacay dalka Qatar oo lagu daray daqiiqado aad u badan kulan kasta.
Arintan ayaa dhibaato ku noqon doonta kooxaha caadada ka dhigtay in ay wakhtiga lumiyaan daqiiqadaha ugu dambeeya ee ciyaarta si ay natiijada u ilaashadaan.
Arintan ayaa imanaysa kadib markii ay khabiiro badan sheegeen in la maro wadadii koobka adduunka kaas oo lahaa xiiso gaar ah daqiiqadaha ugu dambeeya ee ciyaarta.
Sida caadiga ah daqiiqadaha ugu dambeeya ee lagu daro premier League ayaa ahaan jirtay 5 daqiiqo iyo wax ka yar hadii ayna wax dhaawacyo ah dhicin.
Laakiin Premier League ayaa keeni doona in haatan lagu daro 10 daqiiqo iyo wax ka badan dhamaadka ciyaarta iyada oo garsooruhu xisaabinayo sida ay ciyaartu u socoto.

Related



Source link