Christopher Nkunku ayaa shaki uu ku jiraa inuu taam u noqon karo kulanka furitaanka Premier League ee ay Chelsea la ciyaari doonto Liverpool ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaadhay kulankii saaxiibtinimo ee ugu danbeeyay ee Blues ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Nkunku ayaa 52 milyan oo euro ugu soo biiray chelsea bilowgii xagaaga waxana uu dhaawac uga baxay kulankii Dortmund ee ku dhamaaday 1/1.
Iyada oo chelsea xilli ciyaareedkooda ku bilaabanayso kulanka Liverpool toodbaadka dambe waxa jirta cabsi laga qabo in uu Nkunku seegi doono kulanka.
“Dhakhaatiirta ayaa baaraya isaga, waxaan rajeynayaa inaysan ahayn arrin weyn,” tababaraha cusub ee Chelsea Pochettino ayaa yiri.“Laakiin waxa uu dareemay wax jilibka ah… waxaan rajaynaynaa in ayna arin weyn ahayn isla markaana uu si degdeg ah uga soo kabsan karo”.
Xiddiga Nkunku ayaa la filayay in uu hogaamiyo weerarka kooxda chelsea kulanka Liverpool xilli ay Blues doonayso in ay ku bilaabto guul.
Laakiin dhaawaca soo gaadhay ayaa haatan shaki galinaya taam ahaanshaha xiddiga ee kulanka furitaanka xilli ciyaareedka cusub.

Related



Source link