Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay dalab 45 milyan ah ka gudbiso goolhayaha Everton ee England Jordan Pickford (Star).
Manchester United ayaa la filayaa inay sare u qaaddo dalabka ay ku doonayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Mason Mount oo ay ka dhigi doonto 50 milyan kadib markii laga diiday dalab 40 mmilyan ah (Mail).
Kooxda Chelsea ayaa Romelu Lukaku iyo waliba lacag isugu daraysa kooxda Inter Milan si ay u helaan xiddiga khadka dhexe ee Nicolo Barella (Corriere dello Sport).
Kooxda Newcastle ayaa chelsea ka doonaysa saxiixa xiddiga daafca Bidix ee Marc Cucurella (Mirror).
Kooxda chelsea ayaa sidoo kale xiddiga Conor Gallagher u soo bandhigaysa Brighton si uu uga qayb noqdo heshiiska ay ku doonayso Moises Caicedo (Observer).
Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa Celya Vigo wadahadalo kala furay xiddiga khadka dhexe ee Gabri Veiga (Fabrizio Romano).
Kooxda Al-Hilalayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay daafaca dhee ee kooxda chelsea Kalidou Koulibaly (Ekrem Konur).
Chelsea ayaa sidoo kale doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang iyo waliba xiddiga garabka ka ciyaara ee Hakim Ziyech iyo goolhayaha Edouard Mendy (Mundo Deportivo).
Kooxda PSG ayaa wadahadalo kula jirta tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta si uu u noqdo tababaraha cusub ee kooxda (RMC).
Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo la furtay kooxda Bayern Munich si ay uga hesho xiddiga khadka dhexe ee Ryan Gravenberch (Bild).
Kooxda Bayern Munich ayaa Barcelona ka diiday in ay ka iibiso xiddiga khadka dhexe ee Joshua Kimmich (Sky Sport).
Kooxda Bayern Munich ayaa ku dhaw in ay Man United ku garaacdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Napoli ee Kim Min-jae (Romao).
Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa doonaya in oo kooxdiisa keeno xiddiga khadka dhexe ee kooxda Inter Marcelo Brozovic (SPORT).
Kooxda Man City ayaa diyaarinaysa dalab lacageed iyo waliba xiddiga Nat Philips si ay u helaan saxiixa xiddiga Declan Rice (ExWHUEmployee).
Related