Kulan adag oo North London Derby ah ayaa Emirates ku dhex mari doona kooxaha Arsenal iyo Tottenham kulan ka tirsan horyaalka premier League.
Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay doonayaan in ay sii wadaan guulaha xidhiidhka ah.
Crouch oo ah xiddig horay ugu soo ciyaaray Tottenham ayaa si fiican u garanaya kulanka North London Derby waxana uu saadaal ka dhiibtay kulanka adag ee labada kooxood dhexmari doona.
“Wax badan ayaan ka helaa Arsenal, taasina way i dhibaysaa in aan yidhaahdo, laakiin waxa aan qabaa in ay tahay tani fursadii ay Tottenham ku tagi Lahayd Emirates dhibcana ku heli lahayd”.
“Waxan saadaalinayaa in ay Tottenham ku badiso 2/1, waxan dareensanahay in ay Tottenham natiijo fiican ka heli doonto Emirates”.
Kooxda Tottenham ayaan wax guul ah ka gaadhin Emirates tan ilaa sanadkii 2010 waxana ay aad u doonayaan in ay badiyaan kulanka.

Related



Source link