Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay xaalada xiddiga Bernardo Silva kaas oo dhaawac uga baxay kulankii champions League.
Silva ayaa dhaawac uga baxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo lagu badalay xiddiga Jeremy Doku.
Xiddiga reer Portugal ayaa ku dhibaatooday dhaawac intii ay ciyaartu socotay waxana uu sii wadi kari waayay ciyaarta.
Guardiola ayaa xaqiijiyay ciyaarta kadib in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono in muddo ah kadib dhaawaca soo gaadhay.
“Bernardo waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa dhawr todobaad”ayuu Guardiola yidhi.
“Dhibaatooyin ayaa na ku jirnaa laakiin ma dhihi doono, waxaan qabnaa dhaawacyo badan’. Waa waxa ay tahay,” Guardiola ayaa yiri.

Related



Source link