Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa kalsooni ku qaba in Jadon Sancho uu buuxin karo booska Antony Final-ka FA Cup-ka marka ay la ciyaari doonaan Man City, isagoo aaminsan in ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu haatan ku riyaaqayo kubaddiisii ugu fiicneyd xilli ciyaareedkan.
Man United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Chelsea waxana ay xaqiiqsadeen booskooda wareega Group-yada ee tartanka champions League.
Laakiin waxa jira wal-wal ah in uu Antony seego kulanka final-ka FA Cup-ka kadib markii uu xiddigu dhaawac uga baxay daqiiqadii 29-aad ee qaybta hore ee ciyaarta.
Xiddiga Jadon Sancho ayaa inta ka dhiman ciyaartii chelsea ka ciyaaray booskiisa Antony waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
Scholes ayaana sheegay in uu Sancho buuxin karo booska Antony kulanka Final-ka FA Cup-ka ee bisha dambe.
Markii la weydiiyay haddii Ten Hag uu halis u galay inuu ciyaarsiiyo Antony iyada oo uu dhawyahay final-ka FA Cup-ka ayuu Scholes yidhi”Maya, marar qar waa in aad xiddigaha ciyaarsiiso kulamada laakiin Antony nasiib ma lahayn”.
“Laakiin United waxa aan haysanaa xiddigo cajiib ah Sancho ayaa u muuqda mid fiican waxana uu buuxin karaa booska Antony Kulanka Final-ka”.
Related