Andre Onana ayaa sheegay inuu ku biirayo Manchester United si uu ugu guuleysto Champions League.
Goolhaye Andre Onana ayaa xilli ciyaareedkii hore finalka la gaaray Inter.
Goolhayaha reer Cameroon ayaa si Rasmi ah u noqday xiddig Man United ah khamiistii kadib markii ay kooxdu ku dhawaaqday heshiiska Goolhayaha.
“Runtii waxa aan rajaynayaa in aan Champions League kula guulaysto Manchester United, laakiin sidoo kale waxa aan rajaynayaa in ay Inter mar kale gaadho finalka oo ay ku guulaysato, taageerayaashu way mudan yihiin”.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo qof walba oo kooxda ah, agaasimayaasha, madaxweynaha iyo asxaabteyda. Laakiin tan ugu muhiimsan taageerayaasha, waxaan hal sano u ciyaaray Inter, laakiin waligey waxaan ahaan doonaa taageere”.
“Waxaan rajeynayaa in Inter ay ku guuleysato horyaalka, way u qalmaan.”
Sii Akhriso: Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Kitaabkii Quraanka Ee Lagu Gubay Sweden.

Related



Source link