Ole Gunnar Solskjaer ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay ku fashilantay inay wakhtigiisii u keentay 5 xiddig oo muhiim ah taas oo keentay in ay kooxdu fashilanto.
Halyeeyga kooxda ayaa laga caydhiyay shaqada kadib markii ay kooxdu si weyn u dhibaatootay waxana lagu badalay tababare Erik Ten Hag.
Mar la waydiiyay hadii shaqada Man United adagtahay marka la eego in ayna kooxdu lacag badan suuqa galin karin ayuu yidhi”Haa, way adagtahay, gaar ahaan marka aad la dagaalamayso mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka, waxa lagaa filayo aad ayay u saraysaa”.
“Waxa aan la tartami jirnay Arsenal iyo chelsea laakiin haatan kooxaha oo dhan waxa ay haystaan lacag”.
“Wakhtigii hore kooxda waxa joogay Wayne Rooney iyo Ronaldo ayaa ahaa xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican waanan la soo saxiixanay wakhtigaas, United haatan lama soo wareegi karto Evan Ferguson sidoo kale lama soo saxiixan karno xiddigaha ugu fiican ee da’yarka ah”.
Markii loo cadaadiyay jawaabta ciyaartoydii uu ka codsaday United inay isku dayaan oo ay la soo wareegaan, wuxuu raaciyay: “Erling Haaland, ka hor inta uusan safan kulankiisii ugu horeysay ee Salzburg. Declan Rice aan lagu iibinayn qiimihii xagaaga”.
“Waxaan ka wada hadalnay Moises Caicedo, laakiin waxaan dareemaynay inaan u baahanahay ciyaartoy diyaar ah”.
“Waxa aan si aad ah u doonaynay Bellingham, waxa aan doonaynay Kane laakiin kooxdu awood dhaqaale uma lahayn”.
Related