Arimihii La Filayay In Ay Dhacaan Xilli Ciyaareedkii Hore Laakiin Fashilmay Oo La Soo Saaray.
Bilowga Xilli Ciyaareed kasta waxa la saadaaliyaa waxyaabaha dhici doona xilli ciyaareedka iyada oo dad badan sameeyaan saadaalin dhinac walba ah.
Xilli ciyaareedkii dhamaaday waxa jirtay wax badan oo la saadaaliyay ilaa intii uu ka dhamaanayay xilli ciyaareedku.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabihii ay dad badan saadaaliyeen laakiin aan u dhicin sidii loo saadaaliyay.
1.Nunez Oo Goolal Badan U dhalin doona Liverpool & Haaland Oo Fashilmi Doona:
Dad badan ayaa aamisanaa in uu Xiddiga Liverpool ee Darwin Nunez dhalin doono goolal badan markii uu ku soo biiray Liverpool halka ay saadaaliyeen in uu Haaland ku fashilmi doono Man City.
Laakiin waxa ay u dhacday sidii saadaaliyay si ka duwan iyada oo la odhan karo Nunez ayaa fashilmay halka uu Haaland wacdaro dhigay isla markaas oo bandhigay qaab ciyaareed fiican.
2.Barcelona waxa ay ku aadi doontaa Group Fudud Oo Champions League ah meel dheer ayay ka gaadhi doontaa tartanka:
Waxa ay dad badan saadaaliyeen in ay kooxda Barcelona meel dheer ka gaadhi doonto tartanka champions League isla markaas ku aadi doonto Group aad u fudud wareega Group-yada.
Laakiin waxa dhacday si ka duwan sidaas, Barcelona ayaa ku aaday Group bir ah waxana ay la ciyaartay kooxaha Bayern Munich iyo Inter waxana ay taranka kaga hadhay wareega Group-yada.
3.Real Madrid Waxa Ay Reebi Doontaa Man City Waxana ay ku guulaysan doontaa champions League markii 15-aad:
Waxa ay dad badan saadaaliyeen markii ay Real Madrid iyo Man City isku aadeen Semi-final-ka in ay Real Madrid dhaafi doonto Man City kuna guulaysan doonto champions League markii 15-aad ee taariikhdeeda.
Laakiin sidaas waxba uma dhicin, Man City ayaa bur-burisay Real Madrid isla markaas Man City ku guulaystay champions League markii ugu horaysay taariikhdeeda.
4.Arsenal ayaa ku guulaysan doonta Premier League kadib markii ay 12 dhibcood ku qabatay horyaalka:
Kadib markii ay Arsenal 12 dhibcood ku qabatay hogaanka horyaalka premier League dad badan ayaa sheegay in uu sanadkan yahay sanadkii Arsenal kuna guulaysan doonaan horyaalka premier League.
Laakiin sidaas wax uma dhicin Arsenal ayaana bur-burtay kulamadii ugu dambeeyay waxana ay ku dhamaysteen kaalinta 2-aad iyada oo Man City ku guulaystay horyaalka premier League.
5.Messi Oo Ku Soo Laaban doona Barcelona xilli ciyaareedka dambe:
Waxa ay dad badan saadaalinayeen in uu Messi ku laaban doono kooxda Barcelona xilli ciyaareedka cusub iyada oo heshiiska xiddiga ee PSG dhamaanayay.
Laakiin Messi ayaan ku laaban Barcelona waxana uu ku biiray kooxda Inter Miami inkasta oo ay Barcelona si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga.
6.Portugal Vs Argentine Final-ka Koobka Adduunka:
Ka hor bilaabashadii koobkii addduunka dhamaadkii sanadkii hore dad badan ayaa saadaalinayay in la arki doono Final taariikhi ah.
Final-kaas ayay dad badan saadaalinayeen in ay iska hor iman doonaan final-ka koobka adduunka Portugal Vs Argentine taas oo la macno ah in ay kulmi doonaan Messi iyo Ronaldo.
Laakiin sidaas ma dhicin maadama uu Portugal ku fashilmay in uu gaadho Final-ka inkasta oo Messi iyo Argentina gaadheen final-kii koobka adduunka.
Sii Akhriso: XASAASI: Calaamad Muujinaysa In Ay Al-Shabaab La Wareegtay Laasacaanood Oo La Helay.
Related