Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay kaadhkii casaa ee loo taagay xiddiga Alexis Mac Allister kulankii Bournemouth.
Xiddiga Alexis Mac Allister ayaa loo taagay kaadhka cas ee tooska ah qaybtii dambe ee ciyaarta.
Alexis Mac Allister ayaa khalad ku galay xiddig Bournemouth waxana laga saaray ciyaarta iyada oo kooxdiisu 2/1 ku hogaaminayso ciyaarta.
Tababare Klopp ayaa ciyaarta kadib ka fal celiyay kaadhka cas ee loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister.
“Dib ayaan u arkay kaadhka cas, waana in aan ka hadalno, waan fahmayaa 100% sida ay ula eegtahay garsooraha wakhtigaas laakiin marka aad dib u eegtid ma ahan khalad u qalma kaadh cas”.
“Ma garanayo waxa ay tahay in aan samayno laakiin waa in aan ka hadalno”ayuu sii raaciyay Klopp.

Related



Source link