Hargeysa (soomaalinews.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay si adag uga jawaabay cadaadiska ay beesha caalamka ku saarayaan qabashada doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in Somaliland aanay deeqaha caalamiga ah ku badalaneyn inay talladeed shisheeye u gacan galiso, islamarkaana ay masiirkeeda ka tashaneyso, sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Biixi oo maanta hadal ka jeediyay munaasabadda xuska 18-ka May ayaa waxa uu ka sheegay in beesha caalamka ay shaqo ku laheyn tallada doorashooyinka Somaliland, ayna qabsanayaan iyagu.

“Waxaynu u diyaar garoobaynaa doorashooyin, cadowgu noogu talin maayo doorashadayada, beesha caalamku doorashadayada soo fara-galin mayso, kama taliso, sharcigayaga ma fara-galiso ninka u qishayaana waa nacas ee dalkiisa aamini waaya,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhaqaalaha doorashooyinka lagu galayo uu Somaliland u yaallo, ayna ku filan yihiin, “ma aqbaleyno in cid kale ka taliso doorashooyinka, oo nooga badalato taageero dhaqaale.”

“Dhaqaalaha doorashadu waxa uu yaalla Somaliland, waan ku taageerayaaye talladaada ii dhiib ma yeelayno, yeeli-mayno, dhaqaalahana inaga isku filan oo Somaliland ayaa ku filan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu nidaam sharci ah ku tagi doono, isaga oo ku doodday in Somaliland hogaankeedu isku badalayay hab qori isku dhiiba, taas wax aan aheyna uga degi doonin xilka, oo Mucaaridka uu sheegay inuu muddo kororsi sharci darro ah ku fadhiyo.

Si kastaba, Somaliland iyo hoggaankeeda sare ayaa muddooyinkii dambe cadaadis xooggan kala kulmeysay beesha caalamka, kadib markii ay muddo dhaafeen doorashooyinka, gaar ahaan tan madaxtinimada oo ay si weyn iskugu qabteen Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka, taas oo mar gacan ka hadal ka riday caasimadda Hargeysa.





Source link