Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Kevin De Bruyne ayaa maray qaliin jilibka ah kadib dhaawac soo gaadhay xiddiga kulankii Burnley ee furitaanka premier League.
Xiddiga reer Belguaim ayaa dhaawac uga baxay kulanka kadib markii uu dhaawac soo gaadhay sida uu xaqiijiyay tababare Guardiola.
Haatan waxa la xaqiijiyay in uu xiddigu maray qaliin taas oo la doonayo in uu kaga kabsado dhaawaca daba dhigtay ilaa xilli ciyaareedkii hore.
De Bruyne ayaa la filayaa in uu qaroomada ka maqnaado 3 ilaa 4 bilood kadib markii qaliin lagu sameeyay xiddiga reer Belguim.
Related