Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay dalab 55 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga Mason Mount (Mail).
Mason Mount ayaa iska diidi doona kooxaha Liverpool iyo Arsenal si uu ugu biiro kooxda Man United (The Athletic).
Kooxda Arsenal ayaa qorshaynaysa in ay iska iibiso ugu yaraan 14 xiddig oo kooxda 1-aad ah waxana ugu horeeya xiddiga Nicolas Pepe (Football.London).
Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay iska bixiso lacag dhan 140 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga Napoli ee Victor Osimhen (Il Mattino).
Kooxda Napoli ayaa isku dayaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga kooxda daafaca uga ciyaara ee Kim kaas oo lala xidhiidhinayo Man United (90min).
Man United oo si deg-deg ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga Harry Kane (Goal).
Xiddiga Joao Felix ayaa qirtay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda chelsea wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan (Sportsmole).
Manchester United ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Barcelona Jules Kounde, iyadoo Red Devils ay diyaar u tahay inay bixiso 80 milyan (El Nacional).
Kooxda chelsea ayaa dalban doonta lacag dhan 80 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe ee Mount (Fabrizio Romano).
Arsenal ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka Torino Antonio Sanabria xagaagaan heshiis ku kacaya 21.6 milyan (La Repubblica).
Arsenal ayaa sidoo kale dalab 17 milyan ah ka gudbisay xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda Galatasaray ee Sacha Boey Laakiin kooxda reer Turkey ayaa 25 milyan ku qiimaysa xiddiga (Nevzat Dindar).
Kooxda PSG ayaa kooxaha premier Legaue ku garaacday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manuel Ugarte kaas oo ogolaaday in uu 60 milyan ugu biiro kooxda caasimada France (Correio da Manha).
Kylian Mbappe ayaa sii joogi doona kooxda PSG xilli ciyaareedka dambe si uu u qaato lacag 90 milyan oo daacadnimo ah laakiin waxa uu xor uga tagi doonaa kooxda sanadka 2024 (L’Equipe).

Related



Source link