Alvaro Morata ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis la gaaray Roma, laakiin Inter, Juventus iyo Milan ayaa sidoo kale xiiseynaya weeraryahanka reer Spain.
Morata ayaa u muuqda mid ku laaban doona horyaalka Talyaaniga inkasta oo uu heshiis cusub u saxiixay Atletico Madrid.
Kooxda La Liga ayaa dhawaan xaqiijin doonta heshiis kordhintiisa ilaa 2026, laakiin sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport heshiiska cusub waxaa ku jira heshiis lagu bur-burin karo oo dhan 20 milyan oo euro.
Wargaysyada Gazzetta iyo Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Roma u soo bandhigtay Morata lacag dhan 4.5 milyan euro iyaga oo ka saxiixanaya heshiis ilaa 2027.
Isla waragayska ayaa sheegaya in uu Morata ogolaaday heshiiska ay u soo bandhigtay kooxda AS Roma.
Si kasta haa ahaatee kooaaha Inter, Juventus iyo Ac Milan ayaa doonaya sidoo kale saxiixa xiddiga reer Spain marka loo eego in uu qiimihiisu yahay mid aad u jaban.

Related



Source link