Moises Caicedo ayaa qirtay inuu ku faraxsan yahay inuu arko magaciisa oo lala xiriirinayo kooxda chelsea laakiin waxa uu sheegay in uu is dajin doono ilaa inta uu mustaqbalkiisu kala cadaanayo.
21-sano jirkaan ayaa kaliya hal xilli ciyaareed oo buuxa kula qaatay Premier League kooxda Brighton, laakiin qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxaha waaweyn.
Arsenal ayaa suuqii January laga diiday 2 dalab oo ay ku doonayso xiddiga laakiin Brighton ayaa haatan dalbanaysa 100 milyan si ay u iibiso xiddiga.
Manchester United ayaa sidoo kale dooneysa Caicedo laakiin waa Chelsea kuwa ugu cadcad tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Seagulls.
Caicedo oo ka hadlaya xiisaha chelsea ayuu yidhi”Waa arin farxad ah, ma jiro xiddig aan jeclayn in ay kooxaha waaweyn doonayaan”.
“Ma doonayo in aan arinta ka hor dhoco laakiin waxa aan ku faraxsanahay in aan xiiso ka helayo chelsea”.

Related



Source link