Warbixino ay daabaceen saxaafada ayaa daaha ka qaaday halka uu marayo heshiiska Mohamed Salah ugu biirayo Kooxda Al-Ittihad inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Heshiiska uu Salah ugu biirayo Sucuudiga ayaa saacadihii ugu dambeeyay noqday mid suurtagal ah kadib booqashadii Maaxweynaha Al-Ittihad ee magaalada Liverpool.
Wargayska Al-Riyaadiah ee ka soo baxa Sucuudiga ayaa sheegay in ay isku xidhan yihiin aragtida kooxda reer England iyo dhigeeda Sucuudiga, taas oo ku saabsan iibkii Mohamed Salah xagaagan.
Wargayska Saudi Arabia ayaa sheegay in Liverpool ay markii hore ka xidhay albaabka bixitaanka xiddiga kooxda laakiin haatan waxa jira wadahadalo Rasmi ah oo u dhexeeya labada kooxood.
Inkastoo Salah uu doonayo inuu dhameystiro xilli ciyaareedkaan oo labo wareeg oo kaliya la ciyaaray hadana wax dhib ah uma arko in uu aqbalo dalabka kooxda sucuudiga.
Rabitaanka xooggan ee kooxda Al-Ittihad ee Salah ayaa ku xidhan rabitaanka kooxda ee ah in ay ku tartanto koobka kooxaha adduunka ee lagu qaban doono Jeddah bisha soo socota ee December.
Related