Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii wada baacsiga rikoodhada kala duwan ka hor kulanka premier League ee ay kooxdiisu la ciyaarayso chelsea.
Salah ayaa isku diyaarinaya in uu ka hor tago kooxda Chelsea kulan ka tirsan premier League iyada oo ay labada kooxood isha ku hayaan guul.
Mohamed Salah horay u dhaliyay 8 gool furitaanka horyaalka premier League intii uu joogay kooxda ku ciyaarta Anfield ee Liverpool.
Salah ayaa haatan la mid ah halyeeyo ay ka mid yihiin Rooney, Shearer iyo Lampard kuwaas oo min 8 gool dhaliyay kulamada furitaanka horyaalka.
Laakiin hadii uu Salah gool dhaliyo kulanka chelsea waxa uu noqon doonaa xiddigii ugu horeeyay ee goolasha ugu badan ka dhaliya premier League furitaanka tartanka.
Related