Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa go’aan ka gaadhay xiisaha uga imanaya horyaalka sucuudiga.
Horyaalka sucuudiga ayaa xagaagan wacdaro ka dhigaya suuqa kala iibsiga iyaga oo la saxiixday xiddigo waaweyn oo ay ka mid yihiin Benzema iyo Kante.
Madaxda horyaalka sucuudiga ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ay isku dayi doonaan in ay dareenkooda u jeediyaan saxiixa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.
Laakiin xiddiga Liverpool ayaa si cad u diiday fursad uu ugu biiri lahaa horyaalka sucuudiga inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Sida laga soo xigtay David Lynch, Salah ayaa diday dalab waali ah oo uu ka helay kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga si uu u sii joogo Liverpool.
Salah ayaa doonaya in uu xagaagan si joogo Liverpool laakiin aan meesha ka saarin in uu u dhaqaaqo sucuudiga mustaqbalka
Related