Erik ten Hag ayaa shaaca ka qaaday in Antony uu taam u noqon doono kulanka Final-ka FA Cup-ka ee ay todobaadka dambe la ciyaari doonaan kooxda Man City inkasta oo laga cabsi qabay in uu dhaawac halis ah soo gaadhay.
Xiddiga reer Brazil ayaa laga cabsi qabay in uu dhaawac xun soo gaadhay isla markaas seegi doono kulanka bisha dambe ee Final-ka FA Cup-ka.
Laakiin Ten Hag ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga reer Brazil taam u noqon doono kulanka ay la ciyaari doonaan Man City final-ka FA Cup-ka.
Isagoo ka hadlayay ka hor kulanka ugu dambeeya Premier League ee fulham ayuu Ten Hag yidhi”Dhamaanteen waan aragnay sida uu dhaawacu u soo gaadhay, ma ahayn mid fiican”.
“Laakiin qiimeynta ugu horeysa ma ahan mid aad u xun, waxaana fursad fiican uu u heli karnaa in uu ciyaaro kulanka Final-ka ee soo socda”.
Related