Tababaraha kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay fursadaha xiddiga Antony ee ciyaarista final-ka FA Cup-ka ee Sabtida.
Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa kulanka final-ka FA Cup-ka ay la ciyaari doonto kooxda ay xafiiltamaan ee Man City.
“Uma badna”Erik ten Hag ayaa yiri mar la weydiiyay hadii Antony taam u yahay inuu la ciyaaro Manchester City finalka FA Cup sabtida.
“Antony wali waxa uu haystaa fursad laakiin runtii waa mid aad u yar”.
Shirkii jaraa’id ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedka premier League Ten Hag ayaa sheegay in uu Antony horumar samayno sidaas darteed taam u noqon doono kulanka.
Laakiin dhaawaca xiddiga ayaan wali si buuxda u soo kabsan waxana uu haatan dagaal kula jiraa wakhtiga si uu taam ugu noqdo kulanka bari ee final-ka.

Related



Source link