Go’aanka Inter ee ah inaysan la soo wareegin Romelu Lukaku xagaagan ayaa dhaliyay warar xan ah oo sheegaya in kooxdu aysan u baahnayn inay Andre Onana ka iibiso Manchester United.
Warar soo baxayay ayaa sheegaya in kooxda Nerazzurri ay go’aansatay in aysan sii wadin baacsiga weeraryahanka Romelu Lukaku, iyadoo isaga baxday tartanka sababo la xiriira inaysan ku faraxsanayn wada-hadalladii uu kula jiray Juventus.
Dhinaca kale Inter ayaa diyaar u ahayd in ay soo afjarto saxixia Onana ugu biirayo Man United iyaga oo kula heshiiyay lacag 50 milyan ah.
Go’aanka ay Inter Milan kaga quusatay Lukaku ayaa hadda keenay warar xan ah oo sheegaya in kooxdu ay wali ka bixi karto iibka Onana, taasoo u ogolaanaysa inay sii haystaan goolhayaha maadaama aysan u baahnayn inay maalgashadaan weeraryahanka Chelsea.
Tani waa wax aan macquul aheyn dhowr sababood dartood. Midda koowaad ayaa ah in Onana ay ku iibiso €50m iyo lacago gunooyin ah taas ayaana ah mid faa’iido u ah Inter Milan marka loo eego in ay sanad ka hor qaab xor ah ku heleen.
Sababta labaad ayaa ah in kooxdu ay wali doonayso in ay hesho weeraryahan cusub xagaagan, bartilmaameedkooda haatan waa Folarin Balogun oo u ciyaara Arsenal waxana ay Arsenal ku qiimaysaa xiddiga lacag dhan 40 milyan oo euro.
Sii Akhriso: Al-Shabaab Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay.
Related