Isagoo la hadlayay suxufiyiinta Jimcihii, Frank Lampard ayaa yiri: “Waxaan siin karnaa Manchester City waddo sharafeed, taas oo kale aniga ayaa la ii sameeyay intii aan ciyaarayay kubada cagta”.
“Sida iska cad waa koox cajiib ah, wakhti fiican ayayna ku jiraan si joogto ah ayayna u sameeyeen, waxaana laga yaabaa inay ku dhow yihiin kooxda ugu weyn”.
“Ixtiraam buuxa ayaan u hayaa iyaga, waxaan u maleynayaa inay yihiin kooxda ugu fiican kubada cagta adduunka, waa inaad baacsataa iyaga, kooxaha kale ee horyaalku waa in ay tusaale ka qaataan”.
Kooxda Man City ayaa haatanba u dabaal-dagtay horyaalka inkasta oo ayna wali ciyaarin kulankooda waxana maanta la gudoonnsiin doonaa koobka kadib kulanka chelsea.
Waxa caado ah in kooxda ku guulaysata horyaalka premier League loo smaeeyo waddo sharaf kulankooda ugu dambeeya ee horyaalka premier League ee ay ku ciyaarayaan garoonkooda.

Related



Source link